SomaliHerald.com

Additional Articles

  • DANAB (Gabay Cusub): Abwaan M. C/Qadir Da'ud (Stanza)

  • By Guled
    Feb 17, 2008, 09:26

    GABAYGII DANAB
     
     
     
           Curiyaha Gabayga: Abwaan Maxamed Cabdiqaadir Da'ud
    SAHROOY: waxaa tiriyey Abwaanka Maxamed Cabdiqaadir Daauud (Stanza).
    (Stanza)
     
     
    Ujeeddada Gabayga: Jawaab Caalimiin Sh Cilmi Jaamac oo abwaanka gabay aflagaadda ah ku weeraray horayna beesha Ogaadeen u afxumeeyey.

    Taariikhda: 02/17/2008.
     
    Gabaygii labaad ee Abwaan Stanza ugu Jawaabay Caalamiin waa kan:
     
    Suugaanta danabka'a anaa, doobir u lahaaye
    Xigmad maanka deeqdana anaa, diiri ku ahaaye
    Anigaa murtida daaci jiray, maalin-dirireede
    Durdur iyo aneey iga dhasheen, Daahir Cali Nuure.
     
    Diiwaanka anigaa ka galay, baasha-dahabeede
    Anaa dayaxa nuurka u ahaa, diin cilmi aqoone
    Anaa qalindaraalaha ahaa, laga dambeeyaaye
    Diyaarada cid lagu weeraraan, ugu da' weynaaye.
     
    Gumeystaha anaa diidi jiray, daa'in abidkeeye
    Anigaa Daraawiish unkiyo, geesi diriciiye
    Anigaa dadk! oo wada hurdaan, kiciyey duullaane
    Anigaa dilaa lay yaqaan, dunida guudkeede.
     
    Sawirkii Darwiishkaa dhax-suran, daarta Biriteyne
    Dibitaatka Reer Yurub ayaa, wali ka doodaaye
    Inaan ahay birjeex iyo dabbey, qalin ku duugeene
    Jidbaalane raggaan daadshay waa, doogga oo kale'e.
     
    Carrabkii naf lagu daabacaan, muran ka daaleyne
    Dugsiyada anaa lagu bartaa, daakir curinteeye
    Anigaa habkii dawladnimo, soo dalbaday gaase
    Anigaa dareyskii ka dhigay, dhoof ku yimid doole.
     
    Anigaa diyaafiyo kalgacal, laygu dawgalaye
    Anaan dabamar tuugiyo aqoon, been dalliciddeede
    Anigaan daneystiyo aheyn, diradiraa jaane
    Diintuna sidaaseey qabtaa, doqonse aashiiye.
     
    Ogaadeenku door weeyo iyo , diir-cabqariyeede
    Dambaaburo waxey gubi ninkii, gabay ku doontaaye
    Diciif iyo Marreexaanna wey, dalakadeeyaane
    Deelleey qof maanso u orshaan, kaga dambeyneyne.
     
    Intaasaad damiinyahow dafiri, inan-dayuuseede
    Dakharkuba siduu kuugu dhacay, dawakhday shaalleeye
    Nasabdhiman na daandaansadaa, dabin shallaaytoone
    U dulqaada suugaantu wey, kugu daroortaaye.
     
    Marreexaan daniifkuu yahaan, kuu dildilayaaye
    Waa niman daciif laabtu tahay, dubise waayeele
    Waa niman dalaaq iyo qabniin, doortay gogoldhaafe
    Waa niman duqeydiyo hablaha, dabaxadaayaane.
     
    Waa niman dumaashi aan cafiyin, key u dagantaaye
    Waa niman Tigree Dahabo siin, kana dillaalaane
    Waa niman ninkii dumar ka qaba, aan dacas u dhaafeyne
    Waa niman martida diiran oo, dariska ceebeyne.
     
    Waa niman bakhtiga dooxan oo, dabayo qoolleeye
    Waa niman daqsiga daango oran, dalamsan waa noole
    Waa niman dixiri quudan oo, doolli ku casheyne
    Waa niman hunguri daashadoo, muudsan dirandiire.
     
    Waa niman dammaacigu hodoo, darab-nijaasaade
    Waa niman daroogada cunoo, dawarsanaayaane
    Waa niman quraaf daayiboo, diinta dhaawici'e
    Waa nimanka Daarood bahdilay, darajadiisiiye.
     
    Waa niman dagaal aan galeyn, dirir-shisheeyaade
    Waa niman docdey kaa jiraan, lagu dabeeshoone
    Waa niman Amxaarada dugsadoo, dabamanuusaane
    Waa niman danaag aan lahe! yn, dux iyo iimaane.
     
    Di irkeey xumaan kaga jirtaa, durriyad-xaaraane
    Duqi dhalay duquu sii dhalaa, doorshay dhalankoode
    Mindhaa dibad-wareeggaa ka dhigay, doolqo iyo liide
    Dhal-doofaarku diir-riibi iyo, doqomo weeyaane.
     
    Dakaddii Kismaayeey dheheen, dawlad baan nahaye
    Deegaanka Soomaalinnimaad, igula daaqdaaye
    Dagaal kumaad hantiyin iyo Calow, dab iyo baaruude
    Hadduu durugsi kaa yahay dhuljiif, digita weeyaane.
     
    Diyaaradaha Waarsood haddey, ila dagaaleynin
    Ama Xabashi ii kaa dileyn, maad I damacdeene
    Mana jira dabriyo weerar aad, nagu dabsaarteene
    Duullaan Marreexaan ma jabin, diric Ogaadeene.
     
    Doontaadu hoos bey jirtaa, haatan dalabloowe
    Dag-dag iney u quusina dukah! aa, deyrka ka arkaaye
    Haddeey duubcasteydii qaqaban, dulufyadaadiiye
    Ma la duugi Reer Diini wey, kugu dangiigtaaye?
     
     
     
    ***
     
     GABAYGII MADOONEYN
     
     
    SAHROOY: waxaa tiriyey Abwaanka Maxamed Cabdiqaadir Daauud (Stanza).
    Curiyaha Gabayga:
    Abwaan Maxamed Cabdiqaadir Da'ud (Stanza) 
     
    Magaca Gabayga: Ma Dooneyn.

    Ujeeddada Gabayga: Jawaab Caalimiin Sh Cilmi Jaamac oo abwaanka gabay aflagaadda ah ku weeraray horayna beesha Ogaadeen u afxumeeyey.

    Taariikhda: 02/02/2008.
     
    Gabaygii Abwaan Stanza ugu Jawaabay Caalamiin waa kan:
     
     
     
     
    Dub ka siman nindoorkiyo danguhu, doorse kala roone
    Da' ka siman libaax daafulliyo, xoor dibbiro weyne.
    Darmaantuba dameerkaa shabbaha, daaqsin iyo jaade
    War waa dulucda deelleyda shidan, daamanqodaxloowe.
     
    Dhufsadkuba hadduu daar galoo, daakhilka u dhaafo
    Dirham iyo hadduu maal xadoo, lana dawaareeyo
    Markuu gorodda wiil kaga daguu, dibinta ruugaaye
    War waa laba daqiiqood waxaad, dalagga fuuddaaye.
     
    Damiin iyo daciif baa tihiyo, daallin iyo tuuge
    Doofaar dameer baa tihiyo, dowdar nacaseede
    Daafaane diiflaa tihiyo, luudi dabadheere
    Aniguna darwiish baan ihiyo, udubka Daaroode.
     
    Doondoon Yaxyiyo Moorif baad, diin ka dhigataaye
    Shirki baad Ilaah daba waddaa, daa'in abidkaaye
    Shareecadu midkey dili laheyd, doorkan baa tahaye
    Ibliis kuma dukhuuleen haddaad, diinta dhugataaye.
     
     
    Adigiyo wixii kula duxaan, maanso loo dirine
    Danaag maleh qabyaaladi war waan, kaaga digayaaye
    Ka da'weyn murtida teyda ihi, saad la dammacdeene
    Dayuus ay qalbigu maal dagtoo, doorsammaa tahaye.
     
    Maahmaah diliilaa jirtooy, daasad garaneyne
    Halyeeygey dabbaal wada murmaan,wuu dibjirayaaye
    Dabaqoodhigoo lala hadlaa, waa dambiyo ceebe
    Sidaa iyo daraaddeed inaan, doodna ma aheyne.
     
    Ma daneeya Soomaali oon, qoys la diriraaye
    Waxaan ani ku duulaaba waa, dawlad cudud weyne
    Adiguna waxaad doorbiddaa, dirir-sokeeyaade
    Doxoryahow waxaad dabagurtaa, Diriyo Daaroode.
     
    Doolleey dhufeys kaga jiraan, diricyadeydiiye
    Dooyadu waxey heegan tahay, daanta Dhagaxbuure
    Hawaash dacalladeedaan Tigree, kula dagaalaaye
    Diyaaradaha cadawgaan sidii, dhibic u daadshaaye.
     
    Diini iyo Talxiyo faanku been, doogsindhabadkaaye
    Guuleedka Dooyada dagaa, kaga daryaansiine
    Dooxada Buaalane naftaad, kala dayoowdeene
    Car ku duul haddaad tahay dilaa, diidday rubaddaaye.
     
    Anigoo Darwiishlaan dagiyo, darabka Buuhoodle
    Anigoo u tolkeey dawlad yahay, labada daamoodba
    Haddaad dabadhurwaaloow afxumo, darajo moodeysa
    Adigaa daqiiqyahow u dhiman, lur iyo diihaale.
     
    Hawiyaan dilaa baad na tidhi, oon la diriraaye
    Dawladnimo haddeey libin tihiyo, diiri lagu faano
    Adoo Kaare duud-weyn wateey, kaaga didiyeene
    Daaroodka ceebtaad baddaa, laga duceystaaye.
     
    Waa kaad hubkii daadiseen, wada dillaanteene
    Waa kaad dareyskii furteen, dumar ku soorteene
    Waa kuu Marxuumkii dardhaday, diirranaan jiraye
    Waa kaan darxumadaad qabtaan, soo dagaal-galaye.
     
    Waa kaad waxaad daar dhisteen, dibad ka aaddeene
    Waa kaad na daayaay dhahdeen, daa'imoo kale'e
    Waa kaad dagaag ceydh ah iyo, daadun noqoteene
    Waa kuu digtoonoow ku yidhi, dooddankii Xamare.
     
    Doqon iyo dangaa lagu ogaa, daadinta abaale
    Haddaan anigu kuu diirnaxeyn, kuna difaaceynin
    Wallaahaad waqaa daar dagteen, duubna xirateene
    Markaad ila dagaashuu rag kale, kaa dulmeersadaye.
     
    Daadunkiyo dadkaaga u firxaday, dagalka ciiddeyda
    Dhadhaab dacalladeedaan sidii, dabax ku quudshaaye
    Dalkeeygaad Sagaarada dabtaa, dooha leedahaye
    Ma daadumo manaan dila gobbey, daahsankeed tahaye.
     
    Adna dalandalkaad gawracdaa, duq iyo waayeele
    Abwaankiyo ragdoorkaad dishaa, duhur-dharaareede
    Dabcigaaga weeyaan inaad, ubadka dooxdaaye
    Haddaad hilibka Daarood tihiin, dumar ma fuusheene.
     
    Dariiq naago lagu toogta waa, daawashiyo liide
    Inaad birimageydada daneyn, waa dadxumadaaye
    Daarood xalaalaan aqbalin, ficilkan doofaare
    Magacii duqaad naga disheen, daahirka ahaaye.
     
    Dabargu'i haddaad reer-tolkaa, haatan dirirsiine
    Kuu daran dagaalkiyo dhibkaad, daadah leedahaye
    Kalluun dibadda yaallaad tohoo, haad dulmarayaaye
    Daftac ay barwaaqadu dagtoo, dooqimaa tahaye.
     
    Deelqaafki aad dhuustay iyo, daahu kala maane
    Dalabkuba wakhtuu leeyahoon, laysu diideyne
    Dag-dag baan jawaab heli lahaa, door haddaad tahaye.
     
    Ma dooneyn inaan dirir dhaxdhiga, Ururta Daaroode
    Ma dooneyn dagaallada xigtada, oon dabhuriyaaye
    Ma dooneyn dabuubteeyda oo, dhiig dildilisaaye
    Hayeeshee adaa dixiriyahow, iga dalbaayaaye.
     
     
     
     ***
     
     
    From: "calamin elmi" <c_elmi@hotmail.com>
    To: c_elmi@hotmail.com
    Subject: gabay jawaab
    Date: Tue, 08 Jan 2008 22:13:18 +0300

    gabaygan waxaa tiriyay caalamiin sh cilmi jamac caalamiin gabaygan jawaabta ah waxaa uu utiriyay nin la yiraahdo max,ed c,qaadir daa uud waxaa jirtay in caalamiin tiriyay gabay mudo hore oo lagajoogo ilaa sanad iyo dhowr bilood gabay gaas oo uu u tiriyay abshir bacadle gabaygaas oo laf ahaan tiisu uu ahaa jawaab ku socotay abshir waagii ay jireen maxkamadihii islaamiga ahaa ee qabsaday koofurta markaa oo abshir sheegay in aan mareexaan waxba ku lahayn jubooyin,waxaa xusid mudan in uu caalamiin gabay gaas ku daray bayd uu ku lahaa doqon kaas ogaa deena eed dira diray nayso kal madaas ayaa wax ka raaceen nin la yiraah do max,ed c.qaadir waxaa uu tiriyay gabay uu ogu jawaabayay caalamiin laakiin nasiib daro caalamiin ma uusan helin gabay gaas ilaa laga soo gaaray 5,1,08 laakiin caalamiin waxa uu go,aan saday in uu ka jawaabo markasta waa kan gabaygii:
     
    Gabaygii Abwaan Caalamiin uu u tiriey Stanza waa kan:
     
    wiilyahoow daloonbiyay mahelin dacawadaadiiye
    dacar iyo waxaad qurun shubtee dunida qaad siisay
    daraatiyo shalaa iigu hora,diririgtaadiiye
     
    duub iyo nindoor kii hadlaa daxal ma fuusheene
    dag dag baaba loo keeni laa dow wuxuu yiriye
    doxor iyo dameer dhuusay baan,cidu danaynayn e
     
    inkastoo dabinkiyo waqtigu,yaraha doorsoomay
    halkay doodu noojoogtay baan,dabagalaayaaye
    daliil baanba kaasiin waxaad,diiday oo idil e
     
    duub ahaan Mareexaan wuxuu dagay dhulkaagiiye
    dakadii kismaanyiyo baduu daakhilkii yahay e
    adiguna dadkaa hoose iyo,daaduf baatahay e
     
    aarkii dilaa ihi dhulkuu dacal uqaadaaye
    doolaalo anigoo ku imid,daginka reerkiina
    oo doorki kaalaayay baan,dowlad kuu ahay e
     
    darxumiyo adaa wiilyahow,ciilku daashaday e
    dibiriyo xan ma oyee hadaan,danab laqaeadaynin
    adoon daqayo wayn baa tahoon,dayr kumeersadaye
     
    duunyadaydi baad ii ahayd,dabar ma diidaane
    dareen iyo isqaan waa horaad,daysay hadalkoode
    sida duurkujirahoo kalaad,daaq uxilataaye
     
    daadxooryahay lama hadleen,adiyo duunkaaye
    dixirigi amxaariyo kuwii durufka nookeenay
    difaacaba waxaan ooga jiray,duulashii bariye
     
    dad ahaan anoo kaayar dhinaca,daaroodka
    sida dibida baaraha qodiyo,dacarihii awrka
    wali geenba dacay iyo ulbaan,kugu dabaalaaye
     
    dadkaagii waxay qaayibeen,darabti ceebeede
    sida naag dalaaq lagu qaboo yaraha diidoy ah
    adun baa dibadaha afxumo nooga soodiriye
     
    marhadaan duqowdiini iyo diracyadii hayno
    dumar iyo ragiiniba hadaan doni wada saaray
    dalo malahan daayeer xunoo,dabar lagoostaaye
     
    dayax baynu nahay oo majiro ducuf nagaaraaye
    maalintaan dariiskiyo lahaa dowlad sharafteeda
    daacida ogaadeen ninkii daabulaan ahay e
     
    doqon baa abaal ruux ugalay,duxi karaacayn e
    wali geed ninkii dilijiray daash ugogoshaaye
    dayacaa uroon iyo inay dibada jiiftaaye
     
    hawiyihi ku daan daamiyee,gooyay dabar kaaga
    dur duradi shabeeliyo kuwii dakhaka kuu gooyay
    damiir nool hadaad leedihiin,oma dalxiisteene
     
    warnimaan dakanadiisa maqan,doonanayn abidki
    dadkaleeto inuu caawiyaa waadaliil jabane
    diiwaan bayba nagu soo baxsheen duugagii hore e
     
    darki jabay qarankii dumiyo damaladii ciiray
    doog bayba kiciyeen intay dir uhiloobeene
    daarihi hargaysay dheheen dumi maraaxaane
     
    dac wadooda ruuxii arkiyo gabayga deelay ah
    dareen iyo islaanimo kalaa loo daniyayaaye
    dubaakhana waxaa ooga jira duunyo dhaaf sade e
     
    waa niman dulooboo hunguri,dowliskii go,ay e
    dira dirada waxaa oogu wacan doono laba qayd e
    maantana dilaalkii miyaa dooxeer idinkeenay
     
    daan daansi waalagu yaqaan daris ogaadeene
    dafir iyo afbay kuula iman digashu baanaade
    dal awoowadood lagadhacay,duudi nabi aadan
    diirhariyo maxaa gowlina dooda soo galiyay
    anoo dalawadaan kaadhiciyo,duunyo badan haysto
    diif iyo afmadow baan hadeer,doog kacunayaye
     
    dagaankiyo dhulkaagii anaa doorkan maamula e
    ka dareere nimankii bartire,dooyadii xagar e
    daash iyo qaxootay muteen,dalagi cayreede
     
    dagmadii bu,aaliyo intii wabiga diishii ah
    doorkii talxiyo waxaa fadhiyo,diinigaan ahay e
    cowl yahanki dooy buu ukacay daaqijiray waaye
     
    daqar wuxuu kudhacay ree subeer duubab kii caliye
    dabayshiyo colaadihi dhacay,kor udilaameene
    duhda waamo kamasoo rogaan,dayrcadkii dhalay e
    dibidiyo lo,dii aad ogayd waa daleel maran e
    darka kama shubaan wiilashii,daadahayn jiray e
    dagaagoodu wuxuu tuuran yahay,dayrka dhagax lay e
     
    nin dayoobay baatoon ogayn duni waxaa yaale
    duunkiyo raqdoodii inaad dooni ma oyaane
    dabo kama dhaqno reerahaad duula leedahaye
     
     
     
     
     
     
     
     
     
     


    © Copyright 2005 SomaliHerald.com.