Home
Submit Content
Contact Us
Guestbook
 
 BBC Audio
World News
Somali Links
Somali Radio
 
 

News Headlines
 
Sayid M. & Somali
Posted May 27, 2007 by Ladan
 
  Sayid Maxamad Cabdulle Xassan
(born 1856 - died 1921)

 


Waxaa Qormadan isku soo duba riday, mahadi ha ka gaadhee, Mudane   Axmed F. Cali "Idaajaa":

Sayid Maxamad waxa uu dhashay 1856 Gu'gii la magac baxay "Gobaysane". Gu'gaas waxa uu ahaa Gu' Barwaaqo ah oo dad iyo duunoba wixii dhashay Hano Qaad noqdeen. Sayid ku waxa uu ku dhashay Baliga la yiraahdo "Sacmadeeqo" oo Todobo mayl (7miles) u jirta Buuhoodle, kana xiga dhanka waqooyi. Hooyadiis waxaa la oran jiray Carraseed Magan. Qur'aanka Kariimka ah waxa uu ku bartay gurigooda. Cilmiga Diinta waxa uu ka bartay xer daganayd Nugaal;oo xaruntoodu ahayd dooxada Casuura iyo Yaaheed.

1892 waxa uu u kacay Maka iyo Madiina waxayna isAllaha u Naxariistee, sawirkani waa sawirkii Taaladii Sayid Maxamed Cabdulle Xassan oo saaran faras ka mid ah fardihiisii kaa soo lagu magacaabi jiray Xiin-Finiin. raaceen saddex iyo toban wadaad oo ay isku xer ahaayeen. Saddex sano ama labo Gu iyo dhowr xagaa ayay ku maqnaayeen kobtaas oo ay diinta ka baranayeen. 1895 ayuu Sayid Maxammad ku ka soo dagay Magaalada xeebta ah ee Berbera, oo markaas Ingiriisku gumaysanayay. Markuu sayidku ka soo degay doontii uu saarnaa ayaa Ingiriiskii waydiiyeen canshuur. Sayidku waxa uu ugu jawaabay adiga yaa kaa qaadey canshuurtii kolkaad timid halkan.

Intaasi aan ku soo koobno taariikhda Sayid Maxamed Abdulle Xassan dhalashadiisa ku saabsan.

Markana aynu u guda galno Taariikhda Soomaalidii uu Ingiriisku ku adeegan jiray & Sayid Maxamed cabdulle Xassan:

Taallo ka mid ah Taallooyinkii Sayid Maxamed Cabdulle XassanIngiriiska iyo Soomaalidii uu ku adeegan jirey ee uu dagaalka Sayidka u soo kaxaysatay waxay in badan ku eedeeyeen inuu wadaadku dhiigyacab ahaa oo aan sokeeye iyo shisheeye u kala soocnayn. Ilaa maantana waxaa la helayaa dad badan oo soomaali ah oo ay weli maskaxdooda ku dambayso raadkii dacaayadda shisheeyaha iyo wadaaddadii Soomaalida ahaa ee sida tooska ah Sayidka ula muransanaa.

Maamulkii gumeysiga iyo Soomaalidii ay isbahaysteeni markay eedda caynkaas ah Sayidka iyo Daraawiishta saarayeen ma xusi jirin duullaammadii iyo weerarradii colka iyo gaadahaba lahaa ee madax iyo minjo toona aan loo kala sooci jirin, xarumaha Daraawiishtana lagu soo qaadi jirey.  Ma ay xusi jirin raggii talada Sayidka la wadey ee maagga iyo sida gardarrada ah Fardhiddin iyo Jidbaale xabbadda loogu leefsiiyey, mana xusi jirin wixii ay xoolo dhaqeen ee Ingiriiska iyo dadkii ay wada socdeeni ay dhaca kula meeri jireen.  Ma ay xusi jirin inta jeer ee ay Sayid Maxamed kaga oohiyeen, markay dhegta dhiigga u dareen boqollaal nin-door wada ah oo ay daraawiishi ku dhisnayd.  Bal si ka-fiirsi leh u akhri meerisyadan kugu qasbaya inaad Sayidka la oydo oo aad dhankiisa ka soo jeesato:

Eebbow geyiga oo dhan waa nalaga guulaaye
Waa noo gedleeyaan dadkii gaalada ahaay
Eebbow Giriig kolay ku tahay nala gamuunneeye!
Go'na lagama qaadine dulmay nagu gelaayaane
Gabbaad kale hadday noo helaan waa gam'i lahayne
Eebbow waxay nagu gabreen diinta soo gala e!
Eebbow garka haddaan qabsaday gaaxshe nabaddiiye
Eebbow gammaan iyo waxaan gini-cas dhiibaayey
Eebbow garow kagama helin goolashadaan wadaye!
Ganbalaaligii bay warmaha nagu garraaxeene
Eebow waa gumaadeen raggii gaanaha ahaaye
Eebbow waxay gebawareen Gaaguf iyo Xayde!
Xirsigii garaaraha lahaa Gaarrufkii dile e
Geydhaale Aw-Aadan bay galawga taabteene
Eebow geesigii Ina-Dherey ugu guduudsheene
Guxushaaga Baynaxa ilmadu waa tan gabaxlayne
Gorroska Muuse-taaganaa wadnuhu ila gariiraaye
Eebbow ways gamaamaa markuu gaarka soo maro e!  

Meerisyadaas aannu soo sheegnay waxay ku jiraan gabayada Sayidka kuwa loogu jecel yahay mid ka mid ah.  Waa gabayga 'Gudban' amase 'Gaalo-leged' lagu magacaabo ee, aftahanimmada suugaaneed ka sokow, in badan inoo muujin karaya waayihii Daraawiishta iyo, xilligii isaga la tiriyey, welwelkii iyo hammigii hoggaamiyahooda.  Waa meerisyo tusaale kaa siin kara dhibaatooyinkii Ingiriis iyo Soomaalidii horkacaysey ay Daraawiish u geysteen, rag wixii ay ka laayeen, gardarradii ay hadba ula iman jireen Soomaalidii uu had iyo goor xoolaha iyo lacagta ku miisi jirey siday ugu gacan-sayreen.  Qalbi murugeysan isagoo wada ah oo Eebbe-weyne u cabanaya ayuu kuu tawaawacayaa:

 "Eebbow, dhulkii aannu lahayn meel aan ka degno nalooga dhaarey. Eebbow gaalo iyo cawaankeed waa noo gooddiyaan. Eebbow, Giriigga aan aad u kala fog nahayba ha ku ahaatee, nin waliba birta naga aslay. Eebbow, eed kama aannu geline, waa gardarro waxa ay noo gumaadayaan. Eebbow, dhibaatooyinka ay nagu hayaan waan ka seexan kari lahayn, haddii utun aan ka qabnaa ay jiri lahayd. Eebbow, waa diinta ha la taageero oo jahaadka ha loo soo baxo. Eebbow, nabaddii iyo waanwaantii aan la ag-taagnaa la iga hoos-qaadi waa'.

 "Eebbow, waxay ciriidda jiifiyeen Darwiishkii Xasan-Gaarruf Axmed iyo Xayd Aadan Gallaydh. Eebbow, Xirsi-waal Maxamuud ayay Jidbaale gaalo iyo cawaankeed ku mawtiyeen. Eebbow, Aw-Aadan Seed iyo Xaaji Maxamuud dheri ayay ugu shubeen.  Eebbow, garcaddaaga gaboobey ee Baynaxa Aadan Gallaydh waa taa ay ilmadu dhabannadiisa qoysey, markii ay god-aakhiro u direen saddexdii Darwiish ee uu dhalay, goobtii Jidbaalena ruuxda lagu weysiiyey. Eebbow wadnahaygu waa gariiraa, markaan arko Muuse-taagane Jaamac oo keligii kolba murugo meel la taagan. Eebbow, ma eego e, wejiga ayaan ka dadbaa, markaan arko isaga oo naxdin la dalanbaabbiyaaya oo gocanaaya afartii Darwiish ee uu dhalay, Jidbaalena gaalo iyo Soomaalidii waddey ay ku makaleen'. 

Wuxuu Ilaah u cawdo iyo wuxuu u ashtakoodaba, wuxuu dhibaatadii la soo gaarsiiyey tusaaleeyo oo waxa lagu falay gocdaba, ugu dambaystii wuxuu rabbi ka durraamanayaa inuu libinta u soo meeriyo oo laga gacan-sarraysiiyo dadka gaalada taabacay ee xaqii Daraawiisheed lagu ogaa, godobta badanna ka haya:

Eebbow goonji weyn iyo xaq bay naga gullaafteene
Guullow ma helayaan waxay nagu gubaayaane
Eebbow waxay naga gogtaan waa galoof-olole!
Eebbow sidii guun haween 'gii'du waa aniye
Eebbow nin goba baan ahoy guni rifaysaaye
Eebbow waxaa noo gurmaday gaayo-alifleeye!
Ma gereysni Eebbow waxaa guufanneyska ahe
Eebbow gabooddii dorraad waa ka gar-allayne
Eebbow markaan geyllamey guulmiyoo baqane!
Eebbow guddoonkii sharciga gooye nimankiiye
Eebbow kufriga gedeftaley gacanta haystaane
Eebbow anaa kugu gar lehe guusha ha i seejin!
 

Sida ay cadawyadiisii ka faafin jireen, Sayid Maxamad ma ahayn nin dhiigga dadka u oomman, dhaca xoolahoodana u jeelqaba.  Wuxuu ahaa nin ay waddaniyad kululi beer-qaadday, hase ahaayee dadkii uu u danaynaayey ay la garan waayeen. Wuxuu ahaa nin isaga iyo xarunta Daraawiishtaba in badan sidii ifka looga tirtiri lahaa loo guulay, naftiisa la dooni jiray, hagar daamooyin badanna loo geystey.  

Markuu fekarey oo habeenno aan tiro yarayn aayo-xumada Soomaalida lala maaggan yahay naftiisa kala dooday, dadkiina ay waanadiisii badnayd wax ku qaadan waayeen, weerar joogto ahina uu xagga Soomaalida kaga socdo ayay la ahaatay dadku laba qaybood uun inuu yahay: Qaybta hore oo ah Daraawiishta uu madaxda u yahay, dantooduna tahay Ingiriis, Talyaani iyo Xabashi inay dhulka Soomaaliyeed ka bedbaadiyaan oo dagaal hubaysan kaga saaraan. Qaybta labaadina waxay ahayd Soomaalida xoogaggaas shisheeyaha ah la soo safatay ee soo hormari jirtey, ceelasha tusi jirtey, dhabbeyaasha la qaado u kala tilmaami jirtey, awrta ka iibin jirtey ama ka ijaari jirtey, dabadeedna xarumaha Daraawiishta soo hor-dhoobi jirtay.

Labadaas qaybood inay Soomaalidu tahay markii uu ka badin waayey ayuu u qaatay, Daraawiishna dhacsiiyey murtida ah, "cadawgaa jaallihiis waa cadawgaa", sida uu Qamaan Bulxan ku gabyey markuu lahaa:

Daabaca ninkii kugu dhufta ee daabku kuu celiyey
iyo kii 'duleedshaay' ku yiri wax isma doorshaane!

Sayid Maxamad, aragtidaas iyada ah siyaasad qarsoon kama uu dhigin.  Wax badan ayuu gabay ahaan iyo qoraal ahaanba ummadda u bandhigay, 'gaalada aan la dagaallamayno ninkii taageero u fidiyaa isna waa gaal' ayuu in door ah ku celceliyey. Masafo gaaban waa kii ku lahaa:

Nin aqdaamo Ferenjiya, maantiyo abuurriin
Ama aaladduu sida, ama awrta buu rara
Ama adhiga buu qada, ama laba ugaadhsada
Ama uba ilaalaa, ama uurka kala jira
Ashahaado beeniyo, islaamnimo ha lagu dhaqo
Ilaahayna nama oran, anna ma oggolaan karo!

Waa siyaasad cad oo uu degsaday, digniinna u ahayd nin kasta oo xagga gumeysiga u janjeerasada amaba taageero u fidiya, xilli dagaal iyo xilli nabadeed intaba.  Hayeeshee, in kasta oo uu waranka Daraawiishtu si toos ah ugu jeeday ninkaas gaalo-raaca ah ee uu sayidku tilmaamay, haddana waxaa dhici jirtey dar aan dagaalkaba war ka haynini inay haasahaasaha iyo gulufka jidbaysan ee ciidammada sayidka ku le'an jireen, hantidoodana ku waayi jireen.  Waxaad mooddaa inay Daraawiishtu marar badan ka ilduufi jireen tusaalaha iyo dardaaranka Sayidka, taas oo sabab u noqon jirtey kooxo badan oo xarunta u han-weynaa in ay ka fogaadaan.

Gefaf dhowr ah oo ay Daraawiishi gashay ayaa maanta la tiriyaa, hase ahaatee way yar yihiin markii la barbar-dhigo guulihii ay soo hooyeen iyo sidii ay magaca dalka iyo dadka Soomaalida ahba sare ugu qaadeen, in kasta oo, ciidan ahaan, ugu dambaystii looga adkaaday.


Xigasho: Doollo.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Fadlan ka akhriso Suganta Somalida oo dhameystiran oo ku qoran af Soomaali:  HOYGA SUUGAANTA SOOMAALIDA EE DOOLLO 

 

 

 

 

 

 

 

 


Email this article  Print this article Back to home page

 

 

 

 Tacsi
 
African News
 
 Advocacy

 
 

Quick Poll
My Ballot Box
What would You like to See here as a News?

Somali News
Ethiopian News
US Refugee News
ONLF News

Which News Matters the Most to You?

Somali News
Ethiopian News
US Refugee News
ONLF News

What would You like to See more ?

News
Editorial
Opinions

How You Rate Our Services

Good
Better
Best
Excellent
Poor



View Results
 
 

 

 
   

Copyright © 2004-2007 GlobalSomaliNews.com & SomaliHerald.com. All Rights Reserved.