Home
Submit Content
Contact Us
Guestbook
 
 BBC Audio
World News
Somali Links
Somali Radio
 
 

News
 
Magacaabista Wasiirka Jaaliyadaha Dibadda waa talaabo haboon
Posted Mar 9, 2009 by Administrator
 

Magacaabista Wasiirka Jaaliyadaha Dibadda ee Soomaaliya waa Talaabo Haboon

Maxmuud Nuur Wardheere:


March 09, 2009: Waa wax  lagu farxo in madaxweynaha cusub ee Sh. Shariif iyo wasiirka koowaad Cumar Abdirashiid ay muujiyeen muhimadda ay leeyihiin jaaliyadaha dibadda ku nool ee Soomaaliyeed iyo doorka ay cayaari karaanba iyo inay wasiir dhan u magacaabeen arrinkaas ama wakiilashada ay u wakiisheen inuu ku soo xiro qurbo joogta Soomaaliyeed.  Dawlado badan ayaa yaqaan sida loo maalo ama loo isticmaalo jaaliyadahooda- dawladahaas waxaa ka mid ah. Iiraan, Israel, Ireland, Italy, Ethiopia., India iwm.

Jagada wasiirka qurbo joogta Soomaaliyeed waxay dhalisay buuq iyo suaalo badan oo ka mid ahaayeen maxay wasaaraddu qaban doontaa?  Sow hawsha kuma filna wasaaradda arrimaha dibadda iyo tan iskaashiga caalamiga ah? 

Xataa waxaa jagada saluugay beesha wasiirka. Haddaba mala dhihi karaa raysal wasaare Cumar Abdirashiid waxaa haboonayd inuu sharxo sababta uu u magacaabay wasiirka qurbo joogta?  Waxaad moodaa in dad badani weli maskaxdoodu wax ku cabirto waagii ay Soomaaliya arrimaha dibadda u qaabilsanaayeen Abdiraxmaan Jaamac Barre iyo Cumar Carte Qaalib ama wasaaraddii arrimaha dibadda keliya. 

Adduunkaas waa rogmay, maanta waxaan ogsoonahay in Soomaali aad u fara badan dibadda u qaxeen weliba ayagoon iqyaarkooda la weydiin la qixiyey.  Waxaa kale oo aan ogsoonahay in dadkaasi sida kuwa gudaha joogaa adeeg u baahan yihiin iyo talooyin iyo ururin oo xataa Soomaalinimadooda la ilaaliyo.  Dhibaatada Soomaalida dibadda ku nool haysata hadday ahaan lahayd mid maxkaxeed ama mid nafeed  waa laga dheregsan yahay.  Kuwa jooga Koonfur Afrika, USA , Afrika, Yurub , Ustraliya iyo Asiya intaba waa u baahan yihiin cod iyo adeeg iyo isku xir.

Waxaa kale oo aan ogsoonahay in ay dawladda aan xoogaysanin weli ay wax tari karaan iyo dadkoodaba hadday ahaan lahayd dhaqaale ama siyaasad, laakiin waa haddii uu wasiirka qurbo jooga ururiyo oo isku dayo inuu mideeyo lana yimaado qorshe macquul ah.   Soomaali badan oo qurbaha ku mool ayaa wax walba u huraya inay maruun arkaan dadkooda oo dawlad fiican iyo adeeg hela iyo nabad.  Xataa waxay diyaar u yihiin inay dawladooda iyo dadkooda ugu deeqaan $50 ama $100 iyo ka badanba haddii la qaado olole balaaran.  Soomaalidaasi waxay ogyihiin in dhaqaalaha la siiyo dawladda aan weli hirgelin ee Soomaaliya oo ay bixiyaan dawladaha shisheeye ama hayadaha NGOs ay ku xirayaan shuruudo adag.  Deeqdaa Soomaalida qurbaha oo haddii la isu geeyo noqon karta lacag xooggan waxay dawladda Soomaaliyeed fursad u siin lahayd inay danaheeda wax ka fuliso si xor ah. 

Wasiirka Qurbo jooga ninka loo magacaabay oo ah mudane Cabdulaahi Axmed Cabdulle (Azhari) waxaa uu ka mid ahaa duuliyeyaashii sare ee Soomaali Airlines.  Waa nin aqoon u leh jagada loo magaacay laakiin guushiisa waxay ku xirnaan doontaa hadba sida ay ula shaqeeyaan madaxweynaha iyo raysal wasaaruhu iyo siday uga dhaadhiciyaan bulshada Soomaaliyeed oo ku  kala firirsan caalamka ayagoo isticmaalaya qalabka warbaahinta. 

Waxaa kale oo ay ku xirnaan doontaa wasiirada iskaashiga caalamiga iyo arrimaha dibadda iyo safaaradaheeda.  Waxaa kale oo ay ku xirnaan doontaa Soomaalida qurbaha ku nool sida ay uga faaiideystaan wasiirka qurbo jooga.  Ugu danbayntii waxaa ay ku xirnaan doontaa wasiirka naftigiisa sida uu jaaliyadaha loo soo magacaabay ula shaqeeyo ama u halwgeliyo. 

Maxmuud Nuur Wardheere
Qurbo jooge
Email: mnwardere@yahoo.com

 

 

 

Email this article  Print this article Back to home page

 

 

 

 Tacsi
 
African News
 
 Advocacy

 
 

Quick Poll
My Ballot Box
What would You like to See here as a News?

Somali News
Ethiopian News
US Refugee News
ONLF News

Which News Matters the Most to You?

Somali News
Ethiopian News
US Refugee News
ONLF News

What would You like to See more ?

News
Editorial
Opinions

How You Rate Our Services

Good
Better
Best
Excellent
Poor



View Results
 
 

 

 
   

Copyright © 2004-2007 GlobalSomaliNews.com & SomaliHerald.com. All Rights Reserved.