Warsaxafadeed: Xasuuqii ONLF ee Garloogube |
Dafiraadda qaawan ee ONLF
Diisember 27, 2008
______________________
"Waxa aan u sheegaynaa kooxdan ONLF inayna xorayntu ahayn dad shacab ah oo la gumaado ama la laayo, waxaanaanu uga digaynaa in ay ka waantoobaan xasuuqa dadka rayidka ah iyo hurinta colaad dhex marta beelaha walaalaha ee wada dega degaankaasi."
Sidaa waxaa yidhi: Mudane Xasan Carab Askar, Afhayeenka Beesha Geri ee waqooyiga Ameerika.
Diisember 27, 2008: Waraysi uu todobaadkan dhexdiisa siiyay laanta af Soomaaliga ee idaacada BBCda Cabdiraxmaan Sh. Mahdi (Maaday) oo ah xubin sare oo ka tirsan jabhada ONLF, waxa uu waraysigiisa ku beeniyay sidii horeba caadada u ahayd kooxdan ONLF xasuuqii ay ka gaysatay bishan Diisember 18, 2008 goor habeenimo ah degmada Garloogube ee gobolka Wardheer. Halkaas oo ay ku dileen dad aan waxba galabsan oo shacab ah, iiyadoo ay hore u jirtay inay in mudo ahba dul fadhiyeen, qorshaynayeena siday gumaadkaasi ugu gaysan lahaayeen beesha reer Sheekh Abayoonis ee Geri.
Hadaba waxaa nasiib daro ah in nin masuul sheeganayaa uu dafiro dhacdadaasi, xaqiiqdana indhaha ka qarsado iyadoo dhiigii sii qoyan yahay.
Xasuuqan oo aan ahayn kii ugu horeeyay ee kooxdan ONLF ay kula kacaan maatida Somaaliyeed ee degaankaasi, iyagoo horey uga geystay falkan oo kale degaanada Gole, Danood iyo qaybo kale oo ka tirsan gobolka Wardheer ee ismaamulka Soomaalida Itooobiya.
Arintani waxay ay muujinayaan caddawada ay u qabaan kooxdan ONFL dadka shacabka ah ee aan waxba galabasan.
Waxa aan u sheegaynaa kooxdan ONLF inayna xorayntu ahayn dad shacab ah oo la gumaado ama la laayo, waxaanaanu uga digaynaa in ay ka waantoobaan xasuuqa dadka rayidka ah iyo hurinta colaad dhex marta beelaha walaalaha ee wada dega degaankaasi.
Afhayeenka Beesha Geri ee waqooyiga Ameerika.
Xasan Carab Askar
Email:khaliil25@hotmail.com