Home
News
Poetry (Som)
Useful Links
Submit Content
Contact Us
Guestbook
 
 BBC Audio
World News
Somali Links
 
 

News
 
Shir Saxaafadeed OHRC ku qabatay Geneva
Posted Jun 27, 2008 by Admin.
 

Geneva, 26.06.08 Ururka xuquuqda aadanaha u dooda ee Ogaden Human Rights Committee (OHRC)  ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta Naadiga Suxufiyiinta magaalada Geneva ee Switzerland oo aay ka diiwaan gashan yihiin dhamaan wariyayaasha caalamiga ah ee ka howlgala arumaha Qaramada Midoobey (QM) ee Geneva. Shirkan jaraa’id ayaa cinwaankiisu ahaa “Xaalada xuquuqda aadanaha iyo mida amaanka Ogaadeenya iyo doorka Qaramada Midoobay”.

Foowsiya C/qaadir oo ka tirsan OHRC, Canada kana mid ahayd madaxdii shirkan ka hadashay ayaa sheegtay in ujeedada halkan u yimaadeen tahay in eey ku booriyaan heeyadaha caalamiga ee Qaramada Midoobay in eey ka soo baxaan waajibka ka saaran sidii loo joojin lahaa dhibaatada ulakaca ah oo uu sameeynayo taliska Addis-Ababa is la markaana loola xisaabtami lahaa cidii falalkaas geeystay. C/Qaadir Sulub oo ah xiriiriyaha guud ee ururka xuquuqul insaanka Ogaadeenya ayaa isna sheegay in dhibaatada, gaajada, kufsiga iyo barakicinta lagu hayo umadu tahay arin qorsheysan oo si kutagal ah u fulinaysa dowlada Itoobiya.

Shirkan jaraa’id oo socday mudo sadex saac ka badan ayeey labadan masuul ku soo bandhigeen cadeeymo maqal iyo muuqaal ah oo ka marqaati kacaya xadgudubyada baaxada leh oo uu taliskani sida badheedhka ah ugu geeysto shacabka Soomaalida Ogaadeenya. Marka la eego baaxada dhulkan kheeyraadka iyo  nacfiga leh waxey muujinaysaa in eey qalad tahay in abaar ka dhacdo dhulka Ogaden loo yaqaan ayeey tiri Foowsiya C/Qaadir, iyadoo ku dartay in abaaraha soo noqnoqda ee dhulkaa ka taagay tahay mid eey sameeysay si ulakac ah masuulna ka tahay dowlada itoobiya.

C/Qaadir Sulub ayaa isna sheegay in itoobiya isticmaasho kufsiga, cunaqabateeynta, wadar xasuuqa iyo barakacinta sida hubka oo kale, isagoo intaa raaciyay in ujeedada itoobiya tahay sidii aay umadani ugu sanduleeyn lahayd in eey ka tanaasulaan xuquuqdooda aasaasiga ah, xuquuqahaas oo aay damaanad qaadayaan shuruucyada caalamiga ah ee dunida.

Labadan masuul waxey sheegeen in maanta Alle mahadii tahay, sababtoo ah dhibaatooyinka ururka OHRC uu diiwaan galiyay waxa ka marqaati kacay ururo caalami ah sida warbixintii maqal iyo muuqaalka lahayd oo aay Human Rights Watch soo saartay bishan gudaheeda.  Dunida maanta waa sida hal tuulo oo kale cid dhibaato geeysatay qarin kartaa ma jirta, sidaa daraadeed ayeey ugu baaqeen taliska itoobiya in uu qaado xayiraadaha uu ku soo rogay dadka iyo gaadiidka gala ama ka baxa Ogaadeenya isla markaana joojiyo xadgudubyada nooc walba leh oo aay amartay dowlada itoobiya . Baaq kan oo kale ahna waxey ujeediyeen maamulada kala duwan ee dhashay burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya ka dib iyagoo xusay in shuruucda caalamiga mamnuucayaan qabashada iyo u gacan galinta shaqsi ka soo cararay xasuuq dowladii markaa uu amaankiisa kala soo baqay, waxeyna sheegeen dhibaatada loo geeysanayo shacabka dhulkaa ku nool in aanay ahaaneeny mid xisaab aan ka danbeeyn.

Foowsiya ayaa ka soo laabatay shir eey isugu yimaadaan ururada xuquuqul insaanka ee wadamada Islaamka oo ka dhacay isbuucan gudahiisa dalka Ingiriiska, halkaa oo eey ku soo bandhigtay dhibaatada lagu hayo umada Soomaalida Ogaadeenya.

Ururka Xuquuqul Insaanka Ogaadeenya ayaa u ololeeya sidii umada dhulkaa ku nool u heli lahaayeen xuquuqohooda aasaasiga ah oo aay ugu horeeyso xaqa aayo ka tashiga, wuxuuna diiwaan galiyaa dhibaatooyinka loogeeysto shacabka dhulkaa ku dhaqan iyadoo ujeedadu tahay sidii danbiilayaashan loo horkeeni lahaa maxkamad caalamiga ah. Ugu danbeeyntii waxey ugu baaqeen dadka ku nool Ogaadeenya in aanay qarin marka xadgudub loogeeysto lana xidhiidhaan xubnooda gudaha jooga ama dibadaba, waxeyna qeeylo dhaan u dirayaan Soomaalida samaha jecel guud ahaan gaar ahaana ururada iyo jaaliyadaha Ogaadeenya ee dibada in door firfircoon ka qaataan sidii loo joojin lahaa dhibaatada umada dalkii ku heeysata. Dhiciseeynta qorshayaasha guracan ee itoobiya waxey ku xiran tahay juhdiga qurba joogtu galiyaan wax ka qabashada dhibaatooyinkaa ayeey hadalkoodii ku soo gabagabeeyeen.

 

AM
Geneva, Switzerland
.

 

 

Source: OHRC



 

 

Email this article  Print this article Back to home page

 

 

 

 Tacsi
 
African News
 
 Advocacy

 
 

Quick Poll
My Ballot Box
What would You like to See here as a News?

Somali News
Ethiopian News
US Refugee News
ONLF News

Which News Matters the Most to You?

Somali News
Ethiopian News
US Refugee News
ONLF News

What would You like to See more ?

News
Editorial
Opinions

How You Rate Our Services

Good
Better
Best
Excellent
Poor



View Results
 
 

 

 
   

Copyright © 2004-2007 GlobalSomaliNews.com & SomaliHerald.com. All Rights Reserved.