Home
News
Poetry (Som)
Useful Links
Submit Content
Contact Us
Guestbook
 
 BBC Audio
World News
Somali Links
 
 

News
 
Shir-sanadeedkii 5aad ee Qorahey Education Foundation (QEF) oo 26 April ka dhacay Mn, USA
Posted Apr 29, 2008 by Admin.
 
Minneapols, MN 28th April 2008. Shir aad looga soo qeyb galey, loona soo abaabuley oo uu qabtey Mashruuca Waxbarashada ee Qorahey (QEF) ayaa bishan April 26, 2008 ka dhacey Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota

Shirkan oo ka dhaceyey Sheraton - Four Points Hotel. Waxaa shirka si fiican uga soo qeyb galey bulshada qeybaheeda kala duwan sida odoyaal dhaqameedyada, hooyooyinka, aqoonyahanada,dhalinyarada, Xubnaha, saaxiibada iyo taageerasha Mashruuca oo meelo badan uga kala yimid.

Waxaa shirkaa soo qaban qaabiyey Xubno ka tirsan Chapterka QEF ee Minnesota oo si ay ka muuqato dadaal iyo hufnaan shirkan isugu soo dubaridey. Waxaan daadihinayay xubin ka mid ah QEF- Jamal Osman Hassan “Gaab” oo si farsameysan u geedi galiyey mudadii uu shirku socdey shirku.

Waxaa furey Sheikh Abdirashid Hassan Aabi oo si aad ah ugu tag taagsadey qiimaha ay leedahay aqoontu iyo sida ay u mudan yihiin in la taageero Mashaariicda waxbarashada sida Qorahey Education Foundation.

Waxaa xigey oo war bixin dhameystirin ka soo jeediyay Guddoomiyihii hore ee Mashruuca Ahmed A.Haybe “Dawlo” oo ka Hadley sidii uu ku soo aas aasmey QEF, waxyaabihii uu mashruucu soo qabtey iyo isbadeladii uu mashruucu sameyay gaar ahaan doorashooyinkii uu qabsadey ee sida“democratic” u dhacey bishii March ’08, maamul cusubna loogu soo doortey.

Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu Mr. Haybe sheegay, iney xafladani u taagan tahay astaan taariikhi ah xil wareejin buuxdana ku sameyay golihii shirka, kuna wareejiyay masraxii iyo maamulkii Mashruucaba gudoomiyaha cusub ee Mashruuca QEF- Mohmud Haguf.

Mr. Haguf wuxuu ka Hadley, wixii maamulkiisa u qabsoomey tan iyo intii uu xilka la wareegay laga bilaabo 12kii bisha March ’08. Wuxuuna sheegay inuu mashruucu bilaabey, kuna guda jiro dib u dhis iyo inuu isu qaabeeyo hay’ad aan dawli aheyn “NGO”. Wuxuu xusay iney sameyeen Xeer hoosaadkii Mashruuca (QEF bylaws) dhaqan geliyeenna bishan aan ku jiro ee April 20, 2008.

Wuxuu guddoomiye Mohmud Ka Hadley inta chapter ee mashruucu ka kooban yahay oo uu ku sheegay “iney hadda yihiin 11 chapter oo kala jooga qaarad walba oo adduunka ka mid ah”; wuxuu kaloo ku darey iney talaaboyin fiican ka qaadeen kobcinta mashruuca oo uu tusaale u soo qaatey, iney soo laba chapter oo cusub oo ka kala jira Australia iyo Canada, wuxuuna ka faaloodey qaabka maamul ee cusub iyo qaabka ay isugu xidhi doonaan chapterada oo kuwada xidhiidha aaladda internet “Server” loogu yeedho “Horusocod”, sheegayna iney Mashruuca maamuli doonaan gole dhexe oo 35 oo shan ka mid ahi ay tahay guddiga fulinta ee mashruuca oo ay ku jiraan guddoomiyaha, gudoomiye xigeenka, xoghaye, Xisaabiye iyo Local co-ordinator.

Wuxuu Mr.Haguf Mahad balaadhan u jeediyey guud ahaanba xubnaha QEF, gudiga waalidiinta ee magaalada Qabr-idahare iyo dhamaanba taageraasha iyo asxaabta uu mashruucu ku tiirsan yahay, kuna leeyahay wadamo badan oo qaarad walba leh. Wuxuu carabka ku adkeeyay, iney waxqabad badan u taagan yihiin, doonaanna, dadaalkoodana ay sii laba laabi doonaan si ay Mustaqbalka Jaamacad uga aas aasaan degaanka uu mashruuca ka hawl galo ee gobolka Qorahey. Waxaa uuna si cilmiyeysan oo dhameystiran u sharxey golasha dhow iyo kuwa dhaadheer ee Mashruuca QEF.

Intaa kadib, Waxaa isna xubin ka tirsan chapterka Minnesota- Nur A. Abshir oo si faah faahsan uga hadley doorka ay bulshadu waxqabadka ku leedahay iyo muhiimadiisa.

Waxaa waano iyo waxqabad koo la kordhiyo ku dhiiri geliyay dadkii shirka ka soo geyb galey, odey dhaqameed ka tirsan guddiga odayaasha ee Minnesota-Yusuf Gamadiid, oo isagu si waaya aragnimo leh ugu dardaarmey in la garab gelo waxqabadkan taariikhiga ah.

Waxaa isna hadal qiima badan ka jeediyay Qoraa Somaliyeed ahna Saaxiib Mashruucan QEF-Anwar Maxamed Diriye oo waliba mashruuca ugu deeqay sanduuq bug ah oo uu qorey isagu.

Waxaad moodaa inuu shirkani muujiyay iney bulsho hadey isu tagto oo ku midowdo waxqabad ay wax badan ka badeli karaan mustaqbalka caruurtooda sida Mashruucan QEF oo kale, oo u taagan sidii kaalin mug leh uga geysan lehaa waxbarista Caruuraha degaanka Qorahey.
 
 

F.G: Bahda Somaliherald Online waxay hambalyo iyo bogaadin u direysaa guud ahaa Jaaliyadda Reer Qorraxay, waxayna si gaadh ah hambalyadan ugu gudbinaysaa Maaamulka Mashruuca Waxbarashada ee Qorahey (QEF) ee ku kala nool Gudaha iyo Dibadda.
-
Admin.

 

 

 


 

Email this article  Print this article Back to home page

 

 

 

 Tacsi
 
African News
 
 Advocacy

 
 

Quick Poll
My Ballot Box
What would You like to See here as a News?

Somali News
Ethiopian News
US Refugee News
ONLF News

Which News Matters the Most to You?

Somali News
Ethiopian News
US Refugee News
ONLF News

What would You like to See more ?

News
Editorial
Opinions

How You Rate Our Services

Good
Better
Best
Excellent
Poor



View Results
 
 

 

 
   

Copyright © 2004-2007 GlobalSomaliNews.com & SomaliHerald.com. All Rights Reserved.