'Innaa Lilaahi Wa'inaa Ileyhi Raajicuun'
Jigjiga - 04/20/2008: Waxaa taariikhdu markay ahayd April 19, 2008 ku geeriyooday Magaalada Jigjiga ee ah xarunta Ismaamulka Soomaalida Galbeed Allaha u naxariistee Marxuum Sheekh Cabdinaasir Sheekh Aadan-yare oo ahaa nin magac weyn ku leh Ummadda Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaanna wuxuu ahaa madaxdii aadka loogu xusuusto Halganka Gobonimodoonka ah ee Soomaalida-Galbeed ay ugu jiraan aayo ka tashi & helitaanka sinaan iyo cadaalad gobbolka Soomaalida- Galbeed (Ogadenya).
Bahda Somaliherald Online, iyadoo ka murugeysan geerida ku timid marxuumka, waxay Tacsi tiiraanyo leh u gudbinaysaa dhamaan Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Waxay tacsi taa la mid ah gaadhsiinaysaa Ummadda Soomaali-Galbeed guud ahaan waxay bahdu tacsi gaar ah u diraysaa dhamaan qoyska Reer Sheekh Aadan-yare, Marxuumka Caruurtiisa, Eheladiisa iyo Asxaabtiisa meelkasta oo ay joogaan.
Bahdu waxay Marxuumka Ilaahay uga baryeysaa in uu Eebbe naxariistii Jano ka waraabiyo, dambi dhaafna uu Ilaahay siiyo. Caruurtiisa iyo Guud ahaan Ehelkana uu samir iyo iimaan ka siiyo Marxuumka.
Amiin.... Amiin....
'Kullu Nafsu Thaa'i'qatul Mowt'
Bahda Soomaaliherald waxay isku soo dubo ridi doontaa una soo bandigi doontaa akhristayaasheeda taariikh-nololeedkii Marxuum Sheekh Cabdinaasir Sheekh Aadan-yare marka ay inoo suurta gasho in aynu soo wada uruurino.