Home
News
Poetry (Som)
Useful Links
Submit Content
Contact Us
Guestbook
 
 BBC Audio
World News
Somali Links
 
 

Additional Articles
 
Dekadii Kismaayo: Waxaa tiriyey Abwaan M. C. Stanza
Posted Jan 10, 2008 by Guled
 
GABAY JAWAAB AH:- Dekadii Kismaayood Waxaa tiriyey Abwaan Maxamed C/qaadir Daa`uud (Stanza).
 

SAHROOY: waxaa tiriyey Abwaanka Maxamed Cabdiqaadir Daauud (Stanza).Kismaayo, J/Hoose Oct. 6, 06: Gabaygan la magacbaxay Dakaddii Kismaayood soona baxay 10/05/2006, wuxuu jawaab u yahay deelqaafki iyo diiwaanna-xadkii lagu soo dhanjeexay gabayadii rayidka (Gubo) ee ay beesha Marreexaan ku durqumeen Ogaadeenka, ayagoo sheegay iney Abshir Bacadle  u jawaabayeen balse aflagaaddo qayaxan Ogaadeen u geystay.

Waa nasiibdarro weyn in lagu kaca "plagiarism" waxa lagu yiraahda afka Englishka adoo abwaannimo sheeganaya ood waliba qabiil aad dulantay aad ku digataa.

Si kastaba ha ahaatee, anigoo aad u neceb qabyaaladda iyo qabiil caayga, waa waajib diini ah inaan tolkey difaaca marba haddii laygu soo duulay, lay dulmay oo haddana lay durqumay. Haddaba waakan gabaygii Dakaddii Kismaayood waxaana tiriyey anigoo ah Abwaanka da'da yar ee loo yaqaan Abwaan Maxamed Cabdiqaadir Daauud (Stanza).

Jawaabtii Abwaan M.  C/Qadir Da'ud (Stanza) waa tan:


Wiilyahow is-daadraaciyee, daahay magaciisa.
Maansadaadu waa daacaqurun, ma aha deelleeye.
Dagaal baan abaabuli misane, waan ku daba dhuuman.
Dubaaqaagu see kuugu diray, waa daciifnimo e?

Abshirkaad ku digateed durqumi, waa nin daahirane.
Ma daboolin magaciisa oo, diirka ka caddeeye.
Dammiirlaawe diiwaanna-xade, gabayga deelqaafshe.
Fuleynimo daraaddeed maxaa, boodhka kugu duugay?

Caligeriga daantaa dagiyo, diisha iyo hawdka.
Habaryuunistaan dariska nahay, Doollo dhinaceeda.
Nimankaan ku darandoorrin lahaa, iima duurxuline.
Inaan adiga dood kuu ceshaa, waa dabbaalnimo e.

OGAADEEN inaad doqon tiraah, doowdarnimo taase.
Waa daahfur ceebeed inaad, beeli dulantaaye.
Dayuus liita waa lagu ogaa, damaca beenaade.
Ka dabbaala dabinkaad gashiyo, daxalka aad qooshtay.

Duud ahaan Marreexaan hadduu, maanso wada diiqay.
Dakaddii Kismaayood hadduu, daakirada saaray.
Waa diiradgaabnimo inaad, diricyo maagtaane.
Dalawada dammeerkii didshaa, duufsan qaayaha e.

Doolaala adigoo ku yimid, dagalka ciiddeyda.
Adoo deyn ammaah iga qabiyo, wiilal wada doora.
Inaad laaxin ii soo dirtaa, waa dayuusnimo e.

Dakanooyin adigaa ka qaba, Dir iyo Daaroode.
Maalintaad dareyskiyo xidhneyd, dawlad sharafkeeda.
Duulki shacabka Soomaaliyeed, diirtay baa tahaye.
Ninki qaranki weynaa dunshee, daabulaa tahaye.

Adigaa diyaarada la dhacay, duubab iyo sheekhe.
Isaaq daannadaad taaratuu, dibinta ruugaaye.
Daarihii Hargeysaad ninkii, soo dunshaa tahaye.
Daarood Ismaaciil ninkii, deyn gashaa tahaye.

Habargidir ninkii deegdhabee, daashadaa tahaye.
Indhabuur ninkii dilay abwaan, doorran baa tahaye.
Digil Mirifle adigaa ka dhigay, daaddun iyo ceydhe.
Dabgalladi Majeerteen ninkii, daaqay baa tahaye.

Nindoorradi Abgaal baa dishoo, waana kugu deyne.
Adaa daris-wadaag iyo inkiray, daaqsin iyo foofe.
Doqonyahow inaad gabayda waa, doona malaggaaye.
Sow ma tihid ninkii nagu dafiray, magaca Daaroodka?

Dabkaad oogtay waa digohulaaq, dogobbadiisiiye.
Danwadaag waqeen meynan noqon, dirirna noo tiile.
Deegaanku deegaan Absamooy, cidi ka doodeyne.
Wuxuu daallanaadaba tolkey, waa ul iyo diire.


Halyeeyadi ku daandaamin jiray, wey dirdhamayaane.
Dagaal baan u heenseysannahay, hub iyo duullaane.
Baardheere guluf baan duldhigi, toban daqiiqoode.
Faafaxdhuun dan baad ooga baqan, Diilharoo idile.

Halkaan daaqi jiray wey ku dhali, Dalab hasheydiiye.
Daas iyo Harboolana mar waa, laysku dacareyne.
Dooyada Wariir baad ka noqon, deero garanuuge.
Sidaan kuu darbeyn waa taqaan, dirir colaadeede.

Isku duuban diiriga Absame, deeq Ilaah badane.
In digaag huruufaa ma aha, daafullaha aare.
Waa dabakanaax sheekadii, dulucda ceynkaase.
Dib u eeg malkaad daadisiyo, malaxda aad daacday.

Daaroodku kaa been Wallaad, igu dageyn jeere.
Dangiyahow adaa dool ku yimid, oo na daansadaye.
OGAADEEN inaad duufsan karin, wayska dayaxaase.
Waad daaci dahabkaad xaddiyo, malabki Dooxaade..

 

 

 

 Gabaygii Mareexaan:

Abshirow daliil gabay haddan deelka ka hinkaadsho
Deelqaafki aad tiri haddaan dood yar ka iraahdo
Anigoon dambaabaynin baan kuu dulmarayaaye

Mareexaanku dooxada Jubbu dagin uyaalaaye
Duulkaad ka sheekaysay bay daris wadaagaane
Deerkaa ukala rogan Absame taniyo Dowlowe

Doqon-diide iyo Cowramale Dir iyo shiiqaasha
Mushunguliga deexdiyo Hartida duq iyo waayeelba
Dugaag mahan oo ehelnimaan kala dugaalnaaye

Diiraro anoo joogo iyo daawo iyo gowlin
Digaal iyo anoo dowmacaan dalab ku maalaayo
Dooyaan ku tagi meelkastoo la iga doonaaye

Daaroodku waa wada dagaa Doollo iyo Howde
Danihiisa uma sheegi jirin dayday iyo tuuge
Waxaad adigu ugu duubatiyo Daahir garan waayay

Dowladnimada maantay dhacdee daqaydu naafowday
Dooxatadu markay soo gashee dumarka laynaysay
Dab inaad ridaysaan maqloo dirirtay waagiiye

Mooryaan inaad dabagashaan daabaceed helaye
Shaydaan nimuu duufsadoo daacay baad tahay
Darsin dhigo islaanimadi baad darafka joogtaaye

Nin ku dilay markuu diyo baxshaa la iska daayaaye
Isagoo dabaabaadki iyo danabki heegeeysan
Hadduu duubcad kuu soo xirtaa digasho weeyaane

 Duulaanka xamar waa qabiil loo durbaan tumaye
adiguna danaanaad u tiri nimanku waa doole
ama doolar tobanhaad cuntood u digrinaysaaye

Daroogada cagaarani aday daawa kuu tahaye
Adaa deeq ilaahay u qabay dahab islaameede
Guryahoodiii kuwaad diirateen dabato weeyaane

Hiiraale niman doortay buu daaci u ahaaye
Isagoo dadkiisii watuu duulan soo kicine
Damiciinu wuu guri haddaan moodku daqarayne

Dayniile iyo Dari wanaag looma daadihine
Dakadoodi waa laga xiroo looma soo dagee
Digniin bay baxsheen oo hadday dirir u joogaane

Haddii aad Daraawiish tihiin diinta u adeego
Oo aan dakanadiii horiyo xumo la daacaynin
Cirfe maxaa dikee loogu yiri wabiga daaftiisa

Dhuxulow dariiquu xirtiyo Yuusuf dabinkiisi
Maxaa loo dulmaray waan ogeeyn dacatigoodiye
Dambigay galeen ma adinkaa daahir uga yeelay

 Shariifkuba dadaal iyo wanaag buu dalbanayaaye
Daniihiisa inuu khayr u huray baan daninayaaye
Waxse dilay rag diriqsanahayiyo ducuful iimaane

Haddii diinta eebahay sharciga lagu dabaalaayo
Oo daalimiintii dhulkaan laga dul qaadaayo
Maandhow maxaan diidayaa daraja weeyaane

Daaraha shabeeliyo inataad dagalka meereeyso
Dukaanada ismaaciil inataad laba diblaynayso
Dalgii agoontiyo intaad daaqa guraynayso

Tunni duunyadeedii intaad darar ka maalayso
Diriciyo cimaamaduhu waa dac iyo ciideede
Ka dabaasha adinkaa xumaan diin u qaayibaye

Source: Gedonet.com

1

BACADLE OO KAGABYAY KUSOO BIIRIDII MAXKAMADAHA MAGAALADA KISMAAYO:

Gabaygii Abwaan Bacadle:


Diiwaanka Taariikhda gabay daabacaan tirini
Ninkii dudaya yeelkiiye garsoor dow ahaan ridiye
Yaa deegaan ah, yaa dool ah baan diirka ka cadeyni
Anba doolka yimid baan ihiyo duulka soo galaye
Hirka Absame haddii aanan ku helin ma ihi deegaane

Dawankii colaadoo Jubadda hoose dananaayey
oo doolku wadi jiray haddaa daawo loo helaye.
Rag isku darahoo deegaan ahoo diin leh baa tegaye
Oon duulaan ku aadine ku tegay dalabka deegaanka
Daroogada cagaaran inteey dilatay mooyaane
shacabku waa ku diirsaday xaqii daaha laga qaaday.

War-day & Absame waa degaan kalase deyr weyne
Doqon-diide & Cowramale, Dir & Sheekhaasha,
Mushunguliga Xeebaha degiyo webiga daaciisa,
Hartigu waa deegaan la hubo oon ciddina diideyne.

Taariikhda duuga ahi waa lama daboolaane.
Siddeedani deegaan weeye haba kala danbeeyeene
Digil ya Ciis deegaan ma ahan waa deris wadaagaane
Daa’iratu Seban buu waqtigu daadihinayaaye
Waa daalac naasile Baroow damaca aashaada

Nin dool ihi hadduu qolo didshoo dega makaankooda
Oo loo daayo seban wuxuu is dhihi dowlad baa tahaye
Lama dooran, mana aha deegaan duullan buu wadaye
Asba Morgan buu didayayoo loogu dowgalaye
Ina Aadan dheeruu ku daray kama dambeysiinee
Dubuhuu la rabay ina Cigaal dib ugu soo laabay
Hadalaabo Hiiraale kuwo diin leh baa yimide

Ninka daadka sheegoo rabbigeey guusha ugu deeqay
Dirkii waa Absame, kuna darsaday Daahi Caalim ahe
Yaan damac ku gelin 100 kun buu daadihinayaaye
Dibedahana meer waa digii diiday nabadiiye
Ama diinta raac waa dantaa labada daarood ba.

 

 

 


 

Email this article  Print this article Back to home page

 

 

 

 Tacsi
 
African News
 
 Advocacy

 
 

Quick Poll
My Ballot Box
What would You like to See here as a News?

Somali News
Ethiopian News
US Refugee News
ONLF News

Which News Matters the Most to You?

Somali News
Ethiopian News
US Refugee News
ONLF News

What would You like to See more ?

News
Editorial
Opinions

How You Rate Our Services

Good
Better
Best
Excellent
Poor



View Results
 
 

 

 
   

Copyright © 2004-2007 GlobalSomaliNews.com & SomaliHerald.com. All Rights Reserved.